Kulan Iskaashi iyo Wada-tashi
Kulan muhiim ah ayaa waxaa isugu yimid Guddoomiyaha Maamulka Degmada Balcad, Guddoomiyaha Xarunta Horumarinta Iskaashatooyinka (CDC), wakiilka wasaarada Beeraha dhanka BBS program iyo xubno ka socday hay’ada Human appeal
ee la shaqeeya bulshada.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray:
Xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha
Horumarinta iskaashatooyinka deegaanka
Abuurista fursado shaqo iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada
Taageeridda dhalinyarada iyo haweenka si ay uga qeyb qaataan horumarka
Kulanku wuxuu ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo kor u qaadidda doorka iskaashatooyinka ee bulshada degmada Balcad


Leave a Reply